Urur Dhakhaatiir: Soomaali badan ayaa u geeriyootay caabuqa

 

24/03/2020

 


SAWIR: JONAS EKSTRÖMER / TT

 

Ugu yaraan lix ka mid ah dadka illaa hadda u geeriyoodey caabuqa corona ee nawaaxiga magaalada Stockholm waxey asal ahaan ka soo jeedaan Soomaaliya, sida uu sheegay Ururka Dhakhaatiirta Soomaalida Reer Sweden, sida ay qortay idaacadda la iska daawado ee SVT. Hase yeeshee uu ka gaabsaday hoggaanka gobolku inuu ka faalloodo.

Arrinkaa ayuu ku macneeyay shakhsi u hadlay ururka dhakhaatiirtu iney ugu wacan tahay arrimmo ay ka mid yihiin ciriiriga, war bixin la’aan iyo caafimaadkooda oo ka liita.

“Qaar badan oo ka mid dadka xanuunsan ayaa dibadda u baxa oo la kulma dadka kale”, sida uu sheegay Maslax Cumar oo ka howlgala bukaan socod ku yaala xaafadda Kista ee galbeedka magaalada Stockholm, mar uu wareysi siiyay laanta idaacadda P4 Stockholm. – Radio Sweden, Somali Section

Leave a Reply