Ugu dambeyntii Madaxweyne Al-Bashiir oo is-casilay

 

11-04-2019

 

Madaxweynaha dalka Sudan, Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa is-casilay kadib ku dhowaad afar bilood oo dibad-baxyo looga soo horjeeday xukunkiisa 30-ka sano ka socdeen dalkaasi.

AP iyo Reuters ayaa labaduba qoray inay ilo-wareedyo ka tirsan dowladda ka ogaadeen in Al-Bashiir oo 75 jir ah uu xilka ka degayo, kadib markii Ciidanka Milatariga ay la wareegeen Awoodda dalka ayna ku qasbeen in uu Casilo.

Warbixinada ku saabsan is-casilaadda Al-Bashiir ayaa yimid saacado kadib markii taleefishinka dowladda uu sheegay in ciidamada ay maanta ku dhowaaqi doonaan “war muhiim ah” balse aan bixin faah-faahin.

Kumanaan ka mid ah dadka magaalada Khartoum ayaa kusoo qul-qulay waddooyinka ayaga oo u dhaqaaqay xarunta ciidamada milatariga, halkaasi oo dibad-baxayaasha ay hor degenaayeen tan iyo sabtidii.

Ugu yaraan 22 qof ayaa lagu dilay isku dhacyo dhex-maray ciidamada iyo dibad-baxayaasha, sida ay sheegaan kooxaha u dhaqaaqa bulshada. – Baidoa News

Leave a Reply