Tirada ciidanka Mareykanka ee ku sugan gudaha dalka oo Korortay

 

21-09-2019

 

Ciidanka Mareykanka ee ku sugan gudaha dalka ayaa tiradoodu sare u kacday tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxweyne Donald Trump dabayaaqadii 2016-kii.

Shaqada ay qabtaan milatariga Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah tababarada ciidanka dowlada gaar ahaan ciidanka Kumaandooska ee Danab.

Ku dhowaad 500 oo askari ayaa Mareykanka uga sugan gudaha dalka waxaana ay saldhigyo ku leeyihiin magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo Gobolka Shabeelaha Hoose.

Maamulka Trump ayaa dhanka kale tababaro u fidiya ciidanka beelaha iyo kuwa gaarka ah iyadoo ujeedada laga leeyahay ay tahay la dagaalanka ururka Al-Shabaab.

Muqtaar Cabdi Aadan oo ka mid ah saraakiisha sare ee ciidanka Danab oo la hadlay Tv-ga caalamiga ah ee Al-Jazeera ayaa sheegay tababarada loo fidinayo ciidanka gaar ah ee ku sugan deegaanada kale ay gacan weyn ka geysaneyso in la wiiqo awooda Al-Shabaab. – Universal TV Somali

Leave a Reply