Taliyihii Qeybta 12 April iyo Abaanduulaha oo lagu dilay Qarax Miino ka dhacay duleedka Muqdisho

06-12-2018

 

Dhanaane – War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Taliyihii qeybta 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Jen. Cumar Aadan Dhabad (Cumar Dheere) lagu dilay qarax miino.

Sida wararku sheegayaan qaraxa miino ayaa Kolonyo uu la socday Taliyaha lagula eegtay agagaarka deegaanka Dhanaane ee koofurta Muqdisho, gaar ahaan dhanka wadada Xeebta.

Qaraxa ayaa lala beegsaday xilli Taliyaha iyo kolonyadiisa ay ka soo laabteen deegaanka Dhanaani oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada xoogga dalka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qaraxa uu sidoo kale ku geeriyooday Abaanduulaha qeybta 12-ka Jen. Cabdi Cali Jamaame iyo illaa 7 askari oo kale.

Jen Cumar Dheere ayaa dowladdii KMG aheyd wasiir Kuxigeen iyo Xildhibaan ka soo noqday, wuxuu ka mid ahaa saraakiishii hore ee ciidanka.

Meydka Taliyaha iyo abaanduulaha ayaa loo soo qaaday dhanka magaalada Muqdisho. – Jowhar News

Leave a Reply