Taliyihii Nabad-sugida Puntland ee gobolka Mudug oo goor dhow toogasho lagu dilay

 

18-11-2019

 

Taliyihii Nabad-sugida gobolka Mudug ee Maamulka Puntland ayaa caawa maqribnimadii lagu dilay woqoayiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka.

Dilka Col. Aadan Xaashi Cilmi (Farey) ayaa ka dhacay Xaafad lagu Magacaabo Suuq Barwaaqo oo uu ku sugnaa, waxaana weerar ku soo qaaday dabley bastoolado ku hubeysan oo rasaas ku furtay.

Col. Aadan Xaashi Cilmi (Farey) ayaa markiiba goobta ku naf waayey sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah, waxaana meydkiisa qaaday ciidamada amaanka Puntland oo wax yar ka dib gaaray halka falku ka dhacay.

Dableyda weerarkan fulisay ayey u suuragashay iney baxsadaan, waxaana masuuliyada dilkan loo geystay Col. Aadan Xaashi Cilmi (Farey) sheegatay kooxda Al-shabaab.

Maamulka Puntland ee Magaalada Gaalkacyo iyo Hay’adaha Amniga Ayaan ka hadlin weli dilka loo geystay taliyihii nabadsugida iyo sirdoonka gobolka Mudug ee Maamulkaas. – All Banaadir News

Leave a Reply