Taliyihii Booliska Hiiraan Oo Lagu Dilay Dagaal Ka Dhacay Gobolkaasi

 

11-06-2019

 

Beledweyne – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta dagaal xoogan uu ka dhacay duleedka M/Beledweyne ee xarunta gobolkaasi.

Ciidamo taabacsan guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Yuusuf Dabageed iyo kuwa maamulka HirShabelle ayaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyay dagaalka.

Dagaalkani ayaa la sheegay in uu yimid, kadib markii la’isku qabtay cida qaadeyso canshuurta kastam ku yaalla deegaanka Kala-bayr ee gobolka Hiiraan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in lagu dilay dagaalkaasi taliyihii Booliska gobolka Hiiraan G/Dhexe Maxamed Mocow, sidoo kalena lagu dhaawacay 2 ka tirsanaa ilaaladiisa.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa weli kacan, waxaana dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayaa halkaasi. – Radio Shabelle

Leave a Reply