Taliyaha Guud ee AMISOM Iyo Saraakiil uu Hoggaaminayo oo Gaaray Kismaayo

 

05-08-2019

 

Kismaayo – Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM Gen. Ticabu Yilma iyo wafdi saraakiil uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbland.

Wafdigan ka socda Taliska AMISOM ee Midowga Afrika ayaa socdaalkooda Kismaayo ku soo aaday xilli xasaasi ah oo la filayo in dhowaan doorasho ka dhacdo magaaladaas.

Saraakiisha uu hoggaaminayo Taliyaha AMISOM ayaa xilligan kulamo la leh Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyagoo ka wada hadlaya arrimaha ammaanka iyo doorashooyinka.

Wararka ayaa sheegaya in wafdigan ka socda Midowga Afrika ay kulamo la qaadan doonaan Guddiga Doorashada Jubbaland iyo Musharaxiinta, waxaana la filayaa inay kormeeraan qeybo ka mid ah magaalada.

Shalay ayaa waxaa gaaray magaalada Kismaayo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD Maxamed Guyo, waxaana uu kulamo la leeyahay Madaxda Maamulka, Guddiga Doorashada iyo qeybaha kale ee ku sugan magaalada.

Maamulka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka ayaa isku khilaafsan hannaanka doorashada, iyadoo Jubbaland ay ku doodeyso iney u madax bannaan tahay nidaamka doorashada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay faragelin ku heyso arrimaha ka jira Jubbaland, isla markaana muddooyinkii u dambeeyay ay waday qorshe ay dalalka deriska ugu adeegsanayso arrimaha Jubbaland. – Jowhar News

Leave a Reply