Taliyaha Ciidanka Xoogga Oo Kulamo Xasaasi Ah Ka Wada Galmudug

 

21-05-2020

 

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage oo weli ku sugan Dhuusamareeb ayaa kulamo ka wada gudaha magaaladaasi.

Kulamada oo ah kuwa xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay amniga Galmudug, iyadoona ay ka qeyb-galeen sarkiil ka tirsan qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa kulamadan lagu soo qaaday, sidii loo xoojin lahaa howlgallada iyo dhaq dhaqaaqyada milatari ee ka socda gobollada Gagaduud iyo Mudug.

Odawaa oo madasha ka hadlay ayaa ku amaanay Ciidamada Xoogga Dalka, sida ay uga qeyb-qaateen ka hortagga colaad beeleedyo ka jiray deegaano ka tirsan gobolladaasi.

Galmudug ayaa waxaa dhowaan la filayaa inay ka bilowdaan howlgallo milatari oo qorshuhu yahay in Al-Shabaab looga saaro deegaanada ay ka heystaan maamulkaasi. – Radio Shabelle

Leave a Reply