Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Oo Booqday Xarunta Ciidanka Talyaaniga Ay Ku Leeyihiin Jabuuti

 

06-12-2019

 

Jabuuti – Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya Sarreeye Gaas, Cabdi Xasan Mahamed (Xijaar) iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa booqday Xarunta Ciidanka Talyaaniga (Carabinier-ga) ay ku leeyihiin Jabuuti, halkaas oo laga abaabulo Tababarada la siiyo Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Waxaa Taliyaha ku Soo dhaweyay xarunta Col. Mario Ligi kaas oo ahaa madaxa howgalka Talyaaniga.

Kulan dhexmaray labada taliye ayaa looga hadlay sidii horay loogu sii wadi karo tabarada ay saraakiisha Talyaanigu siiyaan Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Taliska ciidamada talyaaniga ee jooga dalka Jabuuti ayaa dhankooda balan qaaday in ay sii wadi doonaan tabarada ay siiyaan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa dadaal badan ugu jirta tayeynta ciidamada nabad galyada, si loo soo celiyo nabadii iyo kala dambeyntii dalka.

Xigasho: Radio Mogadiscio | Daabacaada: 05-12-2019

Leave a Reply