Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir oo kormeer amni ku tagay deegaanka Garasbaaleey

 

10/01/2019

 

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan oo ay wehliyaan Taliyaha qeybta Galbeed Gaashaanle Sare Maxamed Daahir, Taliyaha Booliska Deegaanka Garas-baaley Laba Xidigle C/fataax Maxamed Xasan (Qoslaaye) iyo saraakiil kale ayaa maanta kormeer amni ku tagay Deegaanka Garas-baaley.

Kormeerkan ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Deegaanka Garas-baaley Ibraahim Maxamed Rooble, Guddoomiye kuxigeenka ammaanka iyo siyaasadda Cali Xasan Cali iyo Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada Cabdullaahi Maxamuud Cabdi.

Taliyaha Booliska iyo Maamulka Deegaanka Garas-baaley ayaa kormeer loogu kuurgalayay amniga ku tagay qeybo ka mid ah xaafadaha Garas-baaley, si shacabka loo dareensiiyo inay xoojiyaan la shaqeynta Hay’adaha ammaanka.

Taliye Saadaq ayaa kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha ammaanka iyo Maamulka Garas-baaley, kaasi oo diirada lagu saaray sugidda ammaanka.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir iyo saraakiisha kormeerka ku wehlinaysay ayaa qiray in amniga Garas-baaley uu yahay mid la isku haleyn karo, islamarkaana muhiim ay tahay in la joogteeyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Hay’adaha ammaanka iyo shacabka.

Hay’adaha ammaanka ee ka hawlgala Garas-baaley ayaa mar walba sameeya hawlgallo joogto ah oo lagu xaqiijinayo amniga, si shacabka ay u helaan amni la isku haleyn karo. – Universal Somali TV

Leave a Reply