Taliska CXD Soomaaliyeed oo ka war-bixiyay qasaarihii Al-Shabaab lagu gaarsiiyay howl-galkii Jannaale

 

29-03-2020

 

MUQDISHO – Kornayl Cismaan Shabeel oo ka mid ah Saraakiisha Ciidaanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee hoggaaminaysa howl-gallada ka socda Shabeellada Hoose ayaa sheegay in ay dileen 142 Qof oo ka mid ahaa Malleeshiyada Al-Shabaab.

Cismaan Shabeel oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa intaas ku daray in 29 ruux ay dhaawaceen, halka 18 kalana ay xabsiga dhigeen.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa 1,500 oo Qoys u fidiyay gargaar kala duwan intii uu howl-galku socday, kuwaas oo ka cararay iska hor imaadyadii halkaasi ka dhacay. – Somali Weyn News

Leave a Reply