Soomaaliya oo xaqiijisay kiiskii 8aad oo Coronavirus ah

 

07/04/2020

 

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa caawa sheegtay in kiiskii 8aad oo Coronavirus ah laga xaqiijiyay Magaalada Muqdisho.

Xanuunkan ayaa laga helay muwaadin ku nool Magaalada Muqdisho, kaasoo aan dibadda ka soo laaban. Muwaadinkan oo lab ah ayaa da’diisa lagu sheegay 58 jir.

“Waxaa soo kordhay xaaladii 8aad oo xanuunka COVID-19 lagu xaqiijiyay. Waa muwaadin Soomaaliyeed oo lab ah, da’diisuna tahay 58 sano, wuxuuna deegaan ku yahay Muqdisho oo safar kuma imaan.” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Wasaaradda Caafimaadka ku leedahay Twitter-ka.

Waa qofkii labaad oo aan dalka dibadda uga bixin amaba ku soo laaban oo laga helo xanuunka dilaaga ah ee Coronavirus.

Maalintii Jimcaha ayay ahayd markii muwaadin deegaan ku ahaa Magaalada Muqdisho laga helay xanuunkan, xilli aanu wax xiriir ah la yeelan dadkii horey looga helay xanuunkaasi.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Maxamed Saciid Cabdullaahi ayaa Isniintii sheegay in xanuunka uu si aan la garanayn ugu dhex faafayo bulshada, taasoo uu walaac xoogan ka muujiyay. – Universal TV Somali

Leave a Reply