Soomaaliya iyo Masar oo kawada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashi wadaagga

 

06-05-2019

 

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi ayaa shalay oo Axad ah ah ku qaabilay dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Danjire Hamdi Loza, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashi wadaagga iyo sidoo kale arrimihii ugu dambeeyay gobolka iyo dunida.

Soomaaliya waxa ay doonaysaa inay hore ugu dhaqaajiso xiriirka kala dhexeeya Masar dhinacyada kala duwan si kor loogu qaado wax wadaagga istiraatiijiga iyo in la qoto dheereeyo iskaashiga dhan kastaba leh, oo ay ka mid yihiin ammaanka, milatariga, waxbarashada iyo ganacsiga. – Radio Mogadiscio

Leave a Reply