Soomaalida Nairobi oo walaac ka muujiyay amar ka soo baxay waaxda Isgaarsiinta Kenya

 

19-04-2019

 

Qaar ka mid ah shacabka soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Nairobi ayaa ka baqdin qaba in saameyn uu ku yeesho amar ka soo baxay dowlada Kenya.

Waaxda isgaarsiinta iyo technolajiyada ayaa soo saartay amar ah in ah in ay dadweynaha ay qaataan Card-ka loo yaqaan Huduma Number inta aan la gaarin dabayaaqada bisha shanaad ee May.

Amarkaan ayaa cidii jabisa waxay la kulmi doontaa in laga xanibo isticmaalka talefanka gacanta.

Maxkamada sare ee Kenya ayaa joojisay bilowgii bishan in dowlada ay ku qasabto dadweynaha in ay qaataan Car-da, balse dowlada ayaa dhanka kale u rogtay amarka maxkamada waxaana ay sheegtay cidii aan qaadan aysan heli doonin adeegyada lagama maarmaanka ah ee Dowlada.

Caqabada ugu daran ee heysata soomaalida ku nool magaalada Nairobi ayaa ah in badankood aysan heysan sharciga Kenya ama aysan Vissa ku Joogin.

Dadka ajaaniibta ah ee deganaashaha ku jooga Kenya ayaa sidoo kale la diiwaan galin doona sida ay sheegtay xukuumada Nairobi.

Shirkadaha isgaarsiinta Kenya oo laga yaabo in hadii uu hirgalo amarkaan saameyn dhaqaale uu ku yeelan karo ayaa iyagana jawaab ka bixin amarka Kenya. – Universal TV Somali

Leave a Reply