Soomaalida Nairobi oo ka hadlay sida ay u arkaan diiwaan galinta Hudama Number

 

18-05-2019

 

Soomaalida ku dhaqan xaafada Islii ee magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa ilaa iyo hada la yaaban sababta ay dowlada ugu sharixi la’dahay Card-ka loo yaqaan Huduma Number oo isdiiwaan galintiisu ay ka socoto Kenya.

Inkastoo shalay la filayay in la soo gabagabeeyo waqtiga qaadashada ayaa hadane madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyataa waxuu ku daray mudo todobaad ah si ay u qaatan dadka wali aan fursada u Helin.

Qaar ka mid ah dad safaf dhaadheer ugu jiray xarumaha lagu jaro ee magaalada Nairobi ayaa waxay Universal u sheegeen in aysan Garaneyn faa’idada iyo dhibaatada uga imaan karta qaadashada Huduma.

Waxay intaa ku dareen hadii ay ku gacan seyraan ay ka baqayaan in ay waayaan adeegyada dowlada,sida uu horay u sheegay madaxweyne Kenyatta.

Dowlada Kenya oo arintaan ka jawaabeysa ayaa horay u sheegtay in ay tahay muhiimada Card-ka Huduma sidii loo keydin lahaa Xogta Muwaadinka oo Buuxda. – Universal TV Somali

Leave a Reply