Somaliland: Tirada Dadka Laga Helay Cudurka COVID 19 Oo Kor U Dhaaftay 370 Qof

 

03/06/2020

 

Hargeysa – Baadhitaanka 24kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey waa 80 qof Somaliland.

Sideed iyo toban qof (18) ayaa laga helay xanuunka, dhamaantood waa Somaliloander . Bukaanadan 10 qof waa rag, 8 qofna waa dumar

Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:

(1 jir ilaa 9 jir = 1 qof)
(10 jir ilaa 19 jir = 1 qof)
(20 jir ilaa 29 jir = 6 qof)
(30 jir ilaa 39 jir = 3 qof)
(40 jir ilaa 49 jir = 2 qof)
(50 jir ilaa 59 jir = 2 qof)
(60 jir ilaa 69 jir = 1 qof)
(70 jir ilaa 79 jir = 1 qof)
(80 jir ilaa 89 jir = 1 qof)

Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 13 qof iyo Borama oo ah 5 qof.

Waxaa xanuunka ka bogsaday 6 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay afar iyo konton (54).

Tirada guud ee dadka laga helay COVID 19 ayaa ah 376. – Somaliland Today

Leave a Reply