Somaliland Oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadashay Khilaafka Diblomaasiyadeed Oo Ka Soo Cusboonaaday Dalalka Kenya Iyo Somaliya Baaqna U Dirtay Labada Dhinac

 

25/05/2019

 

Hargeysa – Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay Xiisadda diplomaasiyadeed ee ka dhex taagan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, xilli ay jireen maalmihii ugu dambeeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland oo ku sugnaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Axmed Kaahin ayaa sheegay in Somaliland aysan labadaba taageersaneyn, islamarkaana ay ugu baaqayaan in ay dhameeyaan xiisadda Siyaasadeed ee ka dhex taagan.

Waxaa uu beeniyay wararka sheegaya in Somaliland ay dooneyso in ay fursad kaga raadiso Kenya Khilaaf kala dhaxeeya Soomaaliya, islamarkaana ay yeeshaan xidhiidh Wanaagsan.

“Annaga ma nihin kuwa ka dhex faa’ideysatay xiisadaha labada dal. Waa arrin u taala labada wadan oo ay tahay in ay xaliyaan,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

“Soomaaliya wax kuma tartato Kenya ee Kenya ayaa haatan wax ku tarto Soomaaliya,” ayuu Kaahin daba dhigay hadalkiisa, isaga oo dhaliilay siyaasada arrimaha dibada xukuumada Farmaajo.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Magaalada Nairobi ay kulamo kala duwan kula yeesheen Mas’uuliyiin ka tirsan Kenya, islamarkaana ay kala hadleen danaha Somaliland. – Borama News Network

Leave a Reply