Siciid Deni Oo La Kulmay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya

 

14-12-2019

 

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay magaalada Addis Ababa kulan kula qaatay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Axmed Shide.

Soo dhoweyn iyo isxog waraysi kadib Madaxweyne Deni iyo Wasiir Axmed Shide ayaa ka wadahadlay iskaashiga labada dhinac ee arrimaha ganacsiga, amniga, horumarka iyo xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in Puntland soo dhoweynayso iskaashiga horumarineed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan Puntland, waxaana uu Madaxweyne Deni u rajeeyey shacabka iyo dowladda Itoobiya amni iyo horumar.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Itoobiya Axmed Shide ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay kulanka isaga iyo Madaxweynaha Puntland, waxaana uu tilmaamay in ay dhankooda diyaar u yihiin dardargelinta iskaashiga labada dhinac.

– Radio Shabelle

Leave a Reply