Shirka Kismaayo Uga Socda Maamul Goboleedyada Oo Maanta La Soo Gababeynayo

07/09/2018

 

Kismaayo – Waxaa maanta la filayaa in la soo gaba gabeeyo shirka Hoggaamiyayaasha Maamul Goboleedyada uga socda Magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah Maamulka Jubbaland.

Gabagabada Shirkaan ayaa lagu wadaa in uu ka soo baxo War Murtiyeed ku aadan waxyaabihii ay isla meel dhigeen Madaxda Maamul Goboleedyada ee ku shirsan Kismaayo.

Falanqeeyayaasha u kuura galay arrimaha shirkaan ayaa Odorasaya in shirkaasi uu ka soo bixi karo qodobo lagu dhaliilayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli wax war ah ka soo saarin Shirka Madaxda maamul Goboleedyada Soomaaliyeed. – Shabelle Media Network

Leave a Reply