Shil ka dhacay dalka Kenya oo galaaftay nolosha dadkii ugu badnaa

10 Oktoobar, 2018

 

Inta la xaqiijiyay ku dhawaad 40 ruux ayaa ku dhimatay shil bas oo ka dhacay waddada isku xirta magaalada caasimadda ah ee Nairobi iyo magaalada Kisumu ee dhanka galbeed ku taalla.

Shilka ayaa yimid ka dib markii baska uu waddada ka baxay sida ay booliisku sheegeen.

Dad badan ayaa la sheegay in ay dhinteen markii uu basku dhinaca kale isu gadiyay, booliiskuna waxay ka cabsi qabaan in dhimashadu ay intaas ka sii badan doonto, iyadoo ay macquul tahay in ay dad ku hoos xanibmeen burburka baska.

Qof ka mid ah dadka degaanka uu Shilku ka dhacay ayaa sheegay “Qaybtii sare oo baska ayaa go’day darawalku uu xakamayn waayay gaariga”.

Tiradda dadka Baska saarnaa Waa 52 ruux sida ay booliisku sheegeen. – Somali Weyn Org

Leave a Reply