Sheekh Shaakir Oo War Ka Soo Saaray Khilaafka DFS Iyo GIDG

30/10/2018

 

Dhuusomareeb – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan madaxa xukuumadda Galmudug ayaa ka hadlay khilaafka culus ee u dhexeeya madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Sheekh Shaakir ayaa lagu shegay in Galmudug ay soo dhaweyneyso gogosha uu mar labaad fidiyay madaxweynaha Soomaaliya ee la doonayo in lagu dhameeyo khilaafkaasi.

Sidoo kale madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa xusay in ka maamul ahaan ay ka walaacsan yihiin tabashooyinka madaxda maamul goboleedyada, isagoona tilmaamay in loo baahan yahay in loo turo shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana wax waliba lagu dhameeyo wadahadal iyo isku tanaasul .

Halkan hoose ka Akhriso:-

 

– Shabelle Media Network

 

Leave a Reply