Shariif Shiikh Axmed oo dhaliil u soo Jeediyay Xukuumada Dalka

 

07/11/2019

 

Madaxweynihii hore ee dowladii ku meel gaarka aheyd ee dalka mudane Shariif Shiikh Axmed ayaa shaki ka muujiyay ciidamo nabad sugid ah oo tababar loogu qaado xiliyada habeenii wadamo ku yaal Dibada.

Mudane Shariif oo warbaahinta kula hadlay Khamiista maanta ah magaalada Muqdisho ayaa isweydiiyay sabata dowlada ay xilli habeen ah u direyso dhalinyaro ku biireysa ciidanka Amniga loona Qarinayo.

Hadalkaan ayuu ka jeediyay kulan maanta lagu daahfurayay madasha Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku bahoobeen qaar kamid ah xisbiyada siyaasadda ee ka jira Dalka.

Marka laga reebo in uu shaki galiyay ayaa dhanka kale waxuu ka digay in saameyn amni darro ay u keeni karto wadanka Mustaqbalka Danbe.

Wuxuu dhanka kale ka gaabsaday in uu soo hadal qaado wadamada tababarada loogu qaado dhalinyaradan habeen walba iyo dowlada ka qeyb qaadanaya Arintaan.

Wadamada galaangalka ku leh siyaasada dalka ayaa dalalkooda u qaada dhalinyarada ku biireysa ciidanka Amniga waana dhaqan sidoo kale ay u lahaayeen dowladihii hore dalka u soo Maray. – Universal TV Somali

Leave a Reply