”Shaki ayey abuuraysaa sababta ciidamo guulo soo hoynaya taliyihii looga bedelay”

 

26/08/2019

 

Dhuusamareeb – Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa dhaliilay talaabada uu Madaxweynaha Soomaaliya ku bedelay taliyii ciidanka xoogga dalka iyo taliyeyaal kale.

C/raxmaan C/Shakuur ayaa sheegay iney nasiib daro tahay in muddo labo sano iyo bar ah gudahood lagu bedelo shan taliye.

“Allaha guuleeyo wiilasha iyo hablaha Ciidanka Xoogga Dalka ka tirsan ee dagaalka kula jira kooxaha argagixisada ah ee furamaha dagaalka ku jira. Waxaase shaki abuuraya sababta ciidankii oo guulo soo hoynaya, loo beddelay taliyihii isagoo weliba jiida hore ee dagaalka ku jira. Nin 5 taliye, 2 sano iyo bar ku beddelay Al-shabaab dagaal kulama jiro” ayuu yiri C/raxmaan C/Shakuur.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ay ansixiyeen in la bedelo shan taliye ciidan oo uu ku jiro taliyihii ciidanka xoogga dalka Jen. Indho-qarshe, isagoo noqonaya taliyihii shanaad ee la bedelo tan iyo markii uu xukunka dalka qabtay Madaxweyne Farmaajo, iyadoo arintaas aad loo dhaliilay. – All Banaadir News

Leave a Reply