Shabaab hubeysan oo xalay weeraray Saldhig AMISOM ay ku leeyihiin Jubbada Hoose

 

26-05-2019

 

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xalay Shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada Amisom ay ku leeyihiin deegaanka Qooqaani ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid culus, islamarkaana socday ku dhawaad hal saac ayaa wararka waxa ay sheegayaan dagaalyahanada Shabaab oo si wayn u hubaysan inay qaadeen dagaalkaasi.

Gudoomiyaha deegaanka Qooqaani ee Gobolka Jubbada Hoose Muuse Macalin, ayaa sheegay inay hayeen xogta dagaalka Shabaab, islamarkaana Ciidamada ay u diyaarsanaayeen sidii ay isaga caabin lahaayeen weerarkaasi kaga yimid Al Shabaab.

Sarkaalkaan ayaa sheegay inay dagaalkaasi ay Shabaab ku gaarsiiyeen Khasaare isugu jira dhimasho & dhaawac islamarkaana ay arkeen maydadka xubno ka tirsan Shabaab oo yaalay goobtii lagula dagaalamay.

Dhanka Ciidamada Jubbaland & kuwa AMISOM ee weerarka lagu soo qaaday ma uusan sheegin Khasaare ka soo gaaray dagaalkaasi, balse waxa uu tilmaamay Ciidamada si adag inay isaga difaaceen.

Saldhigaan xalay la weeraray ayaa waxaa ku sugan Ciidamada Kenya ee hawlgalka Midowga Afrika ka tirsan, waxaana uu u dhaxeeya Magaalooyinka Afmadow & Dhoobley ee Gobolka Jubbada hoose. – Baidoa News

Leave a Reply