Sawirro: Wafdi ka socda Midowga Africa oo shir uga qeyb galay magaalada Kismaayo

04/12/2018

 

Kulankan oo ah mid dhowrkii biloodba mar la qabto waxaa maanta kasoo qayb galay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira iyo masuuliyiin kale oo kasocday howlgalka AMISOM.

kulankan ayaa lagaga hadlaa xaaladaha amaanka ee heer Dowlad Goboleed xoraynta deeganada iyo qaabaynta howlgalada lagu qaadayo Al-Shabaab iyo sidii dhamaan dhinacyada ay qusayso ay doorkooda usoo bandhigi lahayeen iyo natiijada isla falgalka dhamaan dhinacyada howlaha amniga kala shaqeeya Jubbaland.

Danjire Francisco Madeira ayaa Jubbaland ku amaanay sida ay uga go’an tahay xasiloonida iyo nabadaynta Soomaaliya iyadoo ay door muuqda kaga jirto dhismaha hanaanka nabadgalyo iyo hormar ee guud ahaan wadanka.

Maamulka Jubbaland ayaa waxaa gacantiisa ka maqan dhawr degmo iyo deegaan, kuwaasi oo ay maamulaan Shabaab, balse Jubbaland qorshaheeda wuxuu yahay inay gacanteeda ku soo celiso deeganadaasi.

– Universal Somali TV | Taariikhda Daabacaada: 03/12/2018

Leave a Reply