Sarkaal Ku Dhaawacmay Dagaal Ka Dhacay Sh/Dhexe

 

27-02-2020

 

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal ka dhacay degaanka Xaaji Cali ee hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamadda milatariga Soomaaliya iyo kuwa Macawiisley, sidda ay sheegeen dadka degaanka.

Inta la xaqiijiyey afar qof oo ay ku jirto haweenay ayaa ku dhintay, waxaana ku dhaawacmay tirro kale.

Dadka dhaawaca ah waxaa lagu waramay in uu kamid yahay sarkaal ciidan kaasoo magaciisa lagu soo koobay Ilkacase. – Radio Shabelle

Leave a Reply