Safiirka Soomaaliya ee India oo ka qeyb gashay Shir looga hadlayey Xaalufinta Deegaanka

 

10/09/2019

 

INDIA (SONNA) – Shirka 14 ee Qaramada Midoobay ee xaalufinta deegaanka baaba’a dhulka abaaraha iyo isbadalka cimilada ayaa ka furmay dalka India, waxaana daah-furka shirka ka qayb galay Ra’iisulwasraha dalka India Mr Narendra Modi.

Shirkaan ayaa waxaa sanadkaan Somali uga qaybgalay safiirka Soomaaliya ee India Marwo Faaduma Cabdullaahi Maxamuud iyo Agasimaha Guud ee Agaasinka Deegaanka Iyo Isbedelka Cimilada ee Xafiifka Ra’iisul wasaaraha Somalia Axmed Yusuf Axmed, sidoo kale waxa shirka goobjoog ka ahaa la-taliyaha sare ee dhinaca siyaasada Madaxweynaha JFS Mudane Cali Dauud.

Shirka ayaa waxa isugu yimid In kabadan 196 dal, 100 wakiilo oo kala duwan ah iyo hay’adaha daneeya Arrimaha deegaanka, sidoo kale shirkaan waxaa dhinac socday shirar kala gooni gooni ah, kuwaasi oo inta badan diirada lagu saarayay deegaanka, cimilada iyo dhulka ay Abaaruhu saameynayaan.

Leave a Reply