Safiirka cusub Ruushka ee Soomaaliya oo waraaqaha aqoonsiga ku wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda + Sawiro

 

10/07/2019

 

Muqdisho – Ku simaha Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Avv. Hersi Haji Olosow, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa kaga guddoomay nuqul kamid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ee Safiirka cusub ee Ruushka, Mikhail Golovanov.

Ku simaha Xoghayaha joogtada ayaa u rajeeyay Safiirka cusub in uu ku guuleysto howlaha loo igmaday, isagoo carabka ku adkeeyay in uu si dhammeystiran utaageeri doono xoojinta xariirka laba geesoodka ee qotada dheer u dhaxeeya labada dal ee saaxiibada ah si iskaashi dhow dhinacyo badan leh loo sameeyo .

Dhankiisa Safiirka cusub ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono wanaajinta xiriirka Soomaaliya iyo dalka Ruushka.

Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waxaa soo gaarayay safiiro kala duwan oo ka imaanaayay dalalka caalamka, kuwaasi oo dib u furunaayay Safaaradahooda Soomaaliya. – Universal TV Somali

Leave a Reply