Saddex qof oo isku qoys ah oo ku geeriyooday qarax ismiidaaminta oo Muqdisho ka dhacay

 

25-03-2020

 

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Saalax Dheere ayaa warbahinta u sheegay in qof isisoo miidaamiyay uu isku qarxiyay agagaarka Baar-Bulsho ee Degmada Howlwadaag gaar ahaan suuq yaraha Sayidka.

Afhayeenku wuxuu sheegay in ay falkaan ismiidaaminta ah ku dhinteen saddex qof oo isku qoys ahaa iyo dhaawaca saddex kale, oo mid kamid ah uu la qoys ahaa saddexda dhimatay.

Saalax Dheere wuxuu sheegay qofka falkaan geystay in uu isku dhex qarxiyay suuqa dhexdiisa.

Falkaan wuxuu ku eedeeyay ururka Al-shabaab, isagoo sheegay markii ay awoodi waayeen inay ciidamada u bareeraan oo laga hor istaagay baabuurta qaraxyada siday ay maciin bideen inay shacabka isku qarxiyaan. – HOL

Leave a Reply