Saddex Guddoomiye Waaxeed Oo Lagu Dilay Baardheere

 

25-02-2020

 

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilal qorsheysan oo xalay rag ka tirsan Al-Shabaab ay ka geysteen gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in si yaabo kala duwan gudaha magaaladaasi loogu dilay illaa saddex guddoomiye waaxeed oo ka tirsanaa maamulka degmadaasi.

Magacyada mas’uuliyiinta la dilay oo guryahooda lagala baxay ayaa lagu kala sheegay, Cabdi Santuur oo ahaa guddoomiyaha laanta Buulo-Kuulow, Jibriil Maxamed oo ahaa guddoomiyihii hore ee laantaasi iyo Carab Jiis oo ahaa guddoomiyaha laanta Dabaqoray.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in mid ka mid ah mas’uuliyiintaasi la gowrcaday, halka, labada kalena lagu dilay rasaas, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Raggii falkaan geystay ayaa lagu soo warramayaa inay goobta isaga baxsadeen, waxaana dhacdadaan saaka si aad ah looga hadal hayaa degmada Baardheere ee gobolka Gedo. – Radio Shabelle

Leave a Reply