Saan-saan Dagaal Oo Laga Dareemayo Tukaraq

 

01/06/2020

 

Hargeysa – Wararka laga helayo Gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka Deegaanka Tukaraq laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan

Deegaanka Tukeraq waxa in muddo isku hor-fadhiya Ciidammada Qaranka Somaliland iyo kuwa Maamul Gobolleedka Puntland.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, iyadoona laga cabsi qabo in markale dagaallo ay dib uga qarxaan halkaasi.

Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa marar badan ku dagaalamay deegaanka Tukaray. – Somaliland Today

Leave a Reply