Roob khasaaro gaystay oo ka da’ay Shabeellada Dhexe

 

29-03-2020

 

Wararka naga soo gaaraya degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in deegaano hoos yimaada degmada Mahadaay ay xalay roobab xooggan ka da’een.

Roobka ayaa waxaa la sheegay in uu saameyn ku yeeshay dadka deegaannadaasi uu roobku ka da’ay, waxaana ay sheegeen in roobku ahaa mid biriq wata.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa waxaa uu sheegay in biriqda uu watay roobku ay laysay xoolo nool, sida uu xaqiijiyay KNN mar uu wareysi gaar ah siiyay. – Radio Kulmiye

Leave a Reply