Ra’isul wasaaraha dalka oo dowlada Mareykanka kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

 

04/11/2019

 

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Mr Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay taliyaha ciidanka Mareykanka u qaabilsan howlgalada gaarka ah Richard Clark.

Labada dhinac ayaa kulankooda uga wadahadlay arimo la xiriira dhanka amniga gaar ahaan la dagaalanka Al-Shabaab, sida lagu baahiyay qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’isul Wasaaraha.

Qoraalka oo koobnaa ayaa lagu soo qaaday sida la isaga kaashan karo howlgalada iskudhafka ah si Al-Shabaab looga saaro deegaanada ay wali ka maamulaan koonfurta iyo bartamaha Dalka.

Afar maalin ka hor ayay aheyd markii taliyaha ciidanka howlgalada gaarka ah ee Mareykanka uu kulan kula qaatay magaalada Nairobi wasiirka difaaca Rechele Omamo iyo taliyaha ciidanka milatariga Mr Samson Mawatethe ee dalka Kenya. – Universal TV Somali

Leave a Reply