Raiisul Wasaare Khayre oo gaaray Dalka Qatar (Sawirro)

 

14/12/2019

 

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre ayaa gaaray Magaalada Doha ee Xarunta Wadanka Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxay socdaalkiisan Magaalada Doha ku wehlinaya Wasiirka Arrimaha Dastuurka, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho iyo masuuliyiin kale.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxay Caasimadda Qatar kaga qaybgalayan Madasha Doha, oo lagu wado in ay ka qaybgalaan madax ka socota dowladaha dunida qaarkood iyo hay’ado caalami ah.

Doha Forum ayaa waxaa sanadkan lagu wadaa in looga hadlo arrimaha amniga, teknoolojiyadda, dhaqanka iyo ganacsiga, waxaana uu socon doonnaa maalmaha Sabtida iyo Axada.

Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa mudada uu ku sugan yahay Magaalada Doha waxaa uu la kulmi doonnaa Madaxda Qatar iyo masuuliyiinta madasha ka qaybgaleysa qaarkood.

Waa safarkiisii afaraad oo Ra’iisul Wasaare Khayre uu ku taggo Magaalada Doha, mudada saddexda sano ku dhow ee uu xafiiska jooggo.

– Universal TV Somali

Leave a Reply