Rabshado Habeenki Saddexaad Ruxay Minneapolis

 

30/05/2020

 


Bannaabaxyada ka socda Mareykanka

 

WASHINGTON. D.C – Bannaanbaxyo rabshado watay ayaa habeenkii saddexaad oo xiriir ah ka dhacay gobolka Minnesota.

Qalalaasaha ayaa xalay gilgilay magaalada Minneapolis, halkaas oo ay iskula dhaceen, ciidamada booliska iyo dadka ka careysan dilka Goerge Floyd oo ahaa nin ka mid ah bulshada madow ee Mareykanka oo uu dilay askari ka tirsanaa booliska magaalada.

Haddaba, wararki ugu danbeeyay ayaa Maxamed Colad Xasan uu ka wareystay wariyaheenna gobolka Minnesota Maxmuud Mascadde.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

– VOA Somali

Leave a Reply