R/wasaare kuxigeenka dalka oo daah furay Carwada Bandhiga Buugaagta ee magaalada Muqdisho

15 Agoosto, 2018

 

Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ( Qadar ) ayaa maanta daah furay Carwada Bandhiga Buugaagta ee Muqdisho taasi oo sanadkiiba mar la qabto.

Bandhiga buugaagta oo sanadkii 4-aad lagu qabanayo magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale Munaasabada lagu furayay waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ( Eng: Yariisow). Qoraayaal Soomaaliyeed iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan oo soo buux dhaafiyay Hoolka lagu qabanayay Bandhiga Buugagta.

Madasha uu ka dhacayay Bandhigani waxaa la isugu keenay buugaag kala duwan oo ay qoreen Aqoonyahano Soomaaliyeed kuwaas oo ay kusoo bandhigeen Taariikhda Soomaaliya iyo Sheekooyin kala Duwan oo ay ka qoreen Marxaladaha kala duwan ee nolosha la xariira.

Duqa magaalada Muqdisho Mudane Eng Yariisow ayaa kormeeray qeybaha lagu soo bandhigay buugaagta la qoray isagoo iibsaday dhowr buug oo laga qoray Taariikhda Dalka. – Hiiraan Xog

Leave a Reply