R/wasaare Kheyre oo kormeeray ciidamo Tababar uga socdo Muqdisho

18 Novembre 2018

 

R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormeeraray xarumo ku yaala magaalada Muqdisho kuwaasi oo lagu diyaarinayo ciidamo loogu talagalay inay ka shaqeeyaan ammniga.

Ciidamadaan oo ah dhalinyaro u istaagay inay dalkooda iyo dadkooda u shaqeeyaan ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin tababarka ay ku jiraan, sidoo kalana ay doonayaan markii ay dhamaystaan inay u adeegaan ummada Soomaaliyeed.

R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kula dardaarmay ciidamadaan inay si wanaagsan u dhamaystaan tababarka, isagoo sidoo kale saraakiisha ku dhiira galiyay inay la socdaan xaalada dhalinyaradaan. – Radio Mogadiscio

Leave a Reply