R/Wasaare Khayre Oo La Kulmay James Swan

 

12-01-2020

 

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa saacadihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho kula kulmay ergeyga QM ee arrimaha Soomaaliya, James Swan.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Khayre ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobay, sida ay mar weliba u garab taagan tahay dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Todobaadyadii la soo dhaafay, James Swan ayaa safaro ku kala bixinayey xarumaha maamul goboleedyada, isaga oo waday kulamo la xariira doorashooyinka 2020/2021. – Radio Shabelle

Leave a Reply