Qof looga shakisan yahay cudurka coronavirus oo caawo ku geeriyooday magaalada Garowe

 

28-03-2020

 

Qof kamid ah dadkii lagu hayay xarunta karantiilka dadka looga shakiyo cudurka Coronavirus ee magaalada Garowe ayaa caawo geeriyooday, iyadoo aan weli lasoo saarin jawaabta baaritaankiisa.

Agaasime ku xigeenka isbitaalka guud ee Garowe, Dr Maxamuud Abdrishiid, ayaa bartiisa facebook ku sheegay, in bukaanka geeriyooday uu ka yimid dalka Itoobiya uuna lahaa calaamadaha muujinayay COVID-19.

Illaa iyo hadda lama oga qofkaan geeriyooday inuu u geeriyooday cudurka ama inuu qabay xanuuno kale. Guddiga u xilsaaran xakamaynta cudurkaan ayaa laga sugayaa inay ka hadlaan arrintaan.

Dhinaca kale, Wasiir Ku xigeenka Caafimaadka Puntland, Cabdinaasir Yusuf Xaaji, ayaa sheegay in dadka lagu hayo xarunta karantiilka laga helay qaar kamid ah calaamadaha cudurka, isagoo sheegay in labo ama saddex maalin kadib ay soo bixi doonto natiijada baaritaan lagu sameeyay. – Hiraan Online

Leave a Reply