QM oo si kulul u cambaareysay madaafiic maanta lagu tuuray Xarunta Xalane

01/01/2019

 

Qoraal dhawaan ka soo baxay xafiiska ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Heysom ayaa lagu cambaareeyay madaafiicdii maanta lagu weeraray Xerada Xalane.

” Todobo Madfac ayaa lagu soo tuuray xeyndaabka Xalane, Labbo ruux oo ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobey ayaa dhaawacyo fudud uu ka soo gaaray iyo ruux kale oo ku suganaa gudaha xirada.

Weerarkaasi aan tooska aheyn waan cambaareyneynaa, waxayna ka dhigneed carqaladeyn sharciga Aadanaha ah, in la weeraro hay’ad caalami ah (QM) laguma gaarayo hadafyo siyaasadeed.

Ugu dambeyn waxaan caafimaad deg deg ah u rajayanyenyaa saaxiibadeena dhaawaca fudud uu kasoo gaaray madaafiicdii maanta” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xafiiska ergayga gaarka ah ee Qraramada Midoowe u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Heysom. – Somali Weyn Org

Leave a Reply