QM Oo Sheegtay In Weli Halis Ay Tahay Saxaafadda Somalia

8 Seteembar, 2018

 

Muqdisho – Warbixin ka soo baxday xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia ee Unsom ayaa lagu sheegay in saxafiyiinta ka howlagala gudaha dalka ay weli wajahayaan daruufo iyo dhibatoyin adag.

Warbixintani ayaa lagu xusay in Saxafiyiinta iyo dhammaan howlwadeenada ka shaqeeya mihnada Saxaafadda ay xilligan ay la kulmaan tacadiyo iyo dhibaatooyin ay ka mid yihiin dil, hanjabaad iyo xarig .

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday mas’uuliyiinta DFS in ay ilaaliyaan xuquuqda Saxafiyiinta iyo shaqaalaha kale ee Warbaahinta Somalia.

Sidoo kale QM ayaa ku talisay in la dhiso guddi heer Qaran ah oo ka shaqeeya ilaalinta xuquuqul Insaanka.

Somalia ayaa ka mid ah dalalka ugu horreeya caalamka ee lagu waxyeelo Wariyeyaasha iyo dad kale ee ka shaqeeya howlaha Warbaahinta. – Radio Shabelle

Leave a Reply