Qaraxyo Miino Oo Ka Dhacay Muqdisho Iyo Duleedkeeda

 

06-04-2019

 

Muqdisho – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo khasaaro geystay oo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay Muqdisho iyo duleedkeeda.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Baar-Ubax ee degmada Howlwadaag, kaas oo ahaa mid miino.

Ugu yaraal illaa labo qof oo rayid ahaa ayaa ku dhaawacmay qaraxan, sida uu Shabelle u xaqiijiyay Maxamed Aweys oo ah wariye madax banaan.

Lama oga bartimaameedka qaraxaasi, balse waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsanm kuwa ammaanka Soomaaliya oo baaritaano ka sameeyay halkaasi.

Dhinaca kale warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM barqanimadii maanta lagula eegtay duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday kolonyo ay wateen Ciidamadaasi, xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaanada Siinka-Dheer iyo Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa, iyadoona xiriiro aan la sameynay maamulka Ceelsha Biyaha ay ka gaabsadeen ka hadlida qaraxaasi.

Al Shabaa ayaa inta badan weeraro ku qaada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, xliiyada ay isaga kala gooshayaan koonfurta iyo bartamaha dalka. – Radio Shabelle

Leave a Reply