Qarax Xoogan Oo Muqdisho Ka Dhacay

 

18-09-2019

 


Image is used for representational purpose only.

 

Muqdisho – Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Qarax jugtiisa caawa laga maqlay Magaalada Muqdisho, kaasi oo ka dhacay wadada Maka Al Mukarama.

Qaraxaan ayaa wuxuu ahaay miino la dhigay wadada dhinaceeda gaar ahaan irida hore ee Maqaayada Al Caasimah oo galabta xariga laga jaray, waxaana hor yaalay gaadiid kala duwan.

Inta la ogyahay qaraxaasi waxaa ku dhintay Saddex ruux oo laba ka mid yihiin Askar ka tirsan Ciidamada dowladda, kuwaasi oo ilaalo u ahaay Xildhibaan Carabow oo meesha maraayay.

Isha Warka: Shaaciye News

Leave a Reply