Qarax Xoogan Oo Goor Dhow Ka Dhacay Dhuusamareeb

 

14-07-2019

 

Dhuusamareeb – Warar goor dhow na soo gaaray ayaa ku warramaya in qarax Ismiidaamiin ahaa uu ka dhacay M/ Dhuusamareeb ee xaruta gobolka Galgaduud.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu ka dhacay maqaayad ku taalla ka soo horjeedka xarunta Inji ee magaaladaasi.

Sida ay Shabelle u sheegeen dad goobjoogayaal ah qof isku soo xiray walxaha qarxa oo fadhiyey Maqaayada ayaa is qarxiyey.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ku dhintay kaliya Ismiidaamiyihii, ayna ku dhaawacmeen 2 Qof uu ku jiro Xildhibaan Sheekh Cabdiraxmaan Barakaqabe oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, kuwaas oo gabi ahaan xiray meesha uu qaraxu ka dhacay. – Radio Shabelle

Leave a Reply