Qarax Miino oo ka dhacay isgooska Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho

 

14-03-2019

 

Waxaa daqiiqado kahor qarax laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho uu ka dhacay agagaarka Isgooska Suuqa Bakaaraha , waxaana qaraxan lasoo sheegayaa in uu yahay miino wadada dhinaceeda lagu aasay.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa miino lagu hoos qariyay goob qashin ah, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in qaraxan uusan ka dhalan wax khasaaro ah.

Waxaa goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya kuwaa oo baaritaano wada, lamana soo sheegin cid ay ciidamada amaanka usoo qabteen qaraxan.

Qaraxyada miino ee lagu aaso hareeraha wadooyinka ayaa maalmahan kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan caawa uu imaanaya xili xalay iyo saakay labo qarax oo gaari hoosta looga xiray uu ka dhacay Muqdisho. – Hiiraan Xog

Leave a Reply