Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay M/ Muqdisho

04/12/2018

 

Muqdisho – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay in Gaarigiisa loogu xiray Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo ah Agaasimaha Radio Hido, ahna Madaxa Ururka Xuquuqul Insaanka Saaxadda ee HRJ.

Gaariga uu watay Agaasimaha ayaa qarxay, xilli uu marayay xaafadda March degmada Waabari ee gobolkan Banaadir.

Wararka qaara ayaa sheegaya in qaraxaasi dhaawac uu ka soo gaaray Ismaaciil Sheekh Khaliifa, islamarkaana loola cararay mid ka mid ah Isbitaalada magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa lagu soo warramayaa in ay gaareen goobta uu qaraxu ka dhacay, kuwaas oo howlgallo kooban ka sameeyay halkaasi.

Ammaanka Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe faraha ka sii baxayay, iyadoona qaraxyo iyo dilal qorsheysan ay ka dhacayeen qeybo ka mid ah gobolka Banaadir. – Radio Shabelle

Leave a Reply