Qarax Ka Dhacay Muqdisho

 

22-05-2019

 

Ugu yaraan labo qof ayaa ku geeryooday tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay agagaarka taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho, sida laga soo xigtay goobjoogayaal.

Qaraxaan ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa lagu soo xiray oo ku qarxay goob ay ciidammada amniga ku baaraan gaadiidka, iyadoo wararka ka imaanaya halka uu qaraxa ka dhacay ay sheegayaan khasaaraha inuu intaas ka badan karo.

Gaadiidka gurmadka deg dega ah iyo ciidan ka tirsan kuwa amniga ayaa durbadiiba gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, ma jirto cid wali sheegatay mas’uuliyada qaraxaan. – Hiiraan Net

Leave a Reply