Aadan Barre Ducaale “Wasiirada Soomaaliya Caruurtooda ayaa Keenya degan Madaxweynayaashii Soomaaliya soo maray iyo..”

 

14-08-2019

 

Nairobi – Hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Keenya Aadan Barre Ducaale ayaa si adag uga hadlay khilaafka dhinaca Xuduud badeedka ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya waqtiga dheerna soo jiitamayay.

Aadan Barre Ducaale ayaa tilmaamay in wanaag badan uu ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Keenya waxaana uu sheegay inuu ka xun yahay in khilaafkaan uu meesha ka saaro derisnimada iyo wanaagii tan iyo xornimadii ka dhaxeeyay labada dowadood.

Xildhibaanka wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed inta ay ku heystaan Keenya in aysan ku heysan dalalka kale ee caalamka sida Ganacsiga iyo nolosha kale gaar ahaana kuwa Afrika ee deriska la ah Soomaali.

“Wasiirada Soomaaliya Caruurtooda ayaa halkaan degan Madaxweynayaashii Soomaaliya soo maray iyo kuwa haatan xaasaskooda ayaa halkaan degan intaas oo sano ayaana heynay Soomaali Qaxooti ah ah oo marti ay noo ahaayeen.

Dhanka kale hogaamiyaha Aqalabiyadda Keenya oo wax laga weydiiyay mowqifkiisa ku aaddan arrinka badda ayaa sheegay in Maalintii uu yahay nin Keenyaati ah Habeenkiina Soomaali. – Somali Weyn News

 

Leave a Reply