Qarax goor dhaw ka dhacay Waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho

01-11-2018

 

Warar hor dhac ah ayaa ka soo baxay Qarax xoogan oo goor dhaw ka dhacay Waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho,

Gaar ahaan Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Dabka iyo Siyad, waxaana ay goob joogayaal sheegeen in uu ka dhashay gaari la dhigay waddada dhiceeda.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta qaraxa ka dhacay, kuwaasoo xiray wadada sida dad goobjoog ay sheegayaan.

Wadada Maka almukarama ayaa ah kan ugu mashquulka badan ee magaalada Muqdisho, waxaa wadada adeegsada mas’uuliyiinta dowladda, saraakiisha iyo shacabka, waxaana wadadaas caan ku tahay ganacsiga.

Magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa ka dhacay qaraxyada noocan oo kale ah oo loo adeegsado gadiidka la dhigo waddada, iyadoo waxyeelada ugu badanna ay ka soo gaarto dadka rayidka ah. – Somali Wayn News

Leave a Reply