Qarax Gaari Oo Ka Dhacay M/Muqdisho

 

25-03-2019

 

Muqdisho (SMN) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxay gaari Qooqan ah oo goor dhow ku qarxay xaafadda MBC degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Gaarigan oo ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen illaa labo Askari oo ka mid ah ciidankii saarnaa gaarigaasi.

Qof goobjooge ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee M/Muqdisho ayaa sheegay in dhaawicii Askarta loo qaaday xarun caafimaad.

Sidoo kale waxa uu intaasi kiu daray in meesha ay wax ka dhaceen ay soo gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

Maalmihii gu dambeeyay waxaa ku soo badanayay magaalada Muqdisho weerarada loo adeegsanayo qaraxyada lagu xiro gawaarida.

Leave a Reply